“Maalmuhu waxay bilaabmayaan inay qaboow noqdaan. Waa maxay heerkulka?”
“Os dias estão a começar a ficar mais frios. Quantos graus estão?”
“Waa sagaal digrii, weli waa dayrtii, laakiin dhawaan waxay noqon doontaa jiilaal.”
“Estão nove graus. Ainda estamos no outono, mas é quase inverno.”
“Waxaan sugi la’ahay guga, laakiin waxaan doorbidaa xagaaga, markay fiicantahay oo diirantahay.”
“Estou ansioso pela primavera, mas prefiro o verão, quando está bom tempo e calor.”
“Waxba kama qabo qabowga, laakin ma jecli roobka iyo dabaysha.”
“Eu não me importo com o frio. É da chuva e do vento que eu não gosto.”
“Bal eeg daruurahaas gudcurka ah, berrito roob baa da’aya, oo weliba dabaylo badan baa iman doona. Waxaa laga yabaa inuu iman doono duufaan.”
“Olha para aquelas nuvens escuras. Amanhã vai chover. Também vai estar muito vento. Talvez haja uma tempestade.”
“Ma filayo inay dhacdo. Runtii ma jecli cimilada xun, gaar ahaan gugaca iyo hillaaca. Waxaan ka baqayaa in hillaacu inuu igu dhaco.”
“Espero que não. Não gosto nada do mau tempo, especialmente de trovões e relâmpagos. Tenho medo de ser atingido por um relâmpago.”