Shaadhka Ali waa uu dhamaaday. Mid cusub ayuu u baahan yahay.
Ali´s skjorta är gammal. Han behöver en ny.
Wuxuu aadaya suuqa laga dukaameysto si uu dhar cusub u raadiyo.
Han går till köpcentrat för att titta efter nya kläder.
Suuqa dhexdhiisa waa uu ka heli la’yahay dukaanka dharka.
Inne i köpcentrat kan han inte hitta klädbutiken.
Dukaan ayuu galay si uu tilmaam u weydiisto. “xagee ka iibsan karaa dharka?” ayuu weydiiyey.
Han går in i en affär för att fråga vart han ska gå. “Var kan jag köpa kläder?” frågar han
Dukaanlaha ayaa u tilmaamaya dhinaca kale ee suuqa. Dukaanka dharka ayaa ku yaal dhinaca ka soo horjeeda!
Affärsinnehavaren pekar mot andra sidan av köpcentrat. Klädbutiken finns på motsatta sidan!
Ali wuu galay dukaanka kadibna shaadh ka raadsaday. Shaadhadhku aad bay ugu weyn yihiin isaga, aadna ayey qaali u yihiin.
Ali går in för att titta efter en skjorta. Skjortorna är för stora för honom och ganska dyra.
Surwaal cusub ayuu iibsanayaa waayo waa iib. Waxa uu go’aansaday in uu shaadhka iibsan doono bisha soo socota marka uu qaato mushaharkiisa.
Han köper ett par nya byxor istället eftersom det är rea på dem. Han bestämmer sig för att köpa en skjorta nästa månad när han får sin lön.