Tulima waxay jeceshahay muusigada. Maalin walba way dhegaysataa.
Tulima loves music. She listens to it every day.
Saaxiibadeed Carlos iyo Anita sidoo kale waxay ka helaan muusigga.
Her friends Carlos and Anita also like music.
“Tulima, muusig noocee ah ayaad ka heshaa?” ayuu Carlos weydiiyey.
“Tulima, what sort of music do you like?” asks Carlos.
“Waan ka helaa muusigga reer galbeedka, laakiin waxaan ka door bidaa muusigada dalkayga Itoobiya.”
“I like Western music, but I prefer music from my country, Ethiopia.”
“Waxaan ka imid Kolombiya, kaliya waxaan dhagaystaa salsa. Waxay ku wanaagsan tahay dheesha,” ayuu yidhi Carlos.
“I come from Colombia. I only listen to salsa. It’s great for dancing,” says Carlos.
Anita ayaa tiri, “Waxaan ka helaa heesaha jaceylka ah iyo muusigyada iga farxiya.”
Anita says, “I like romantic songs and music that makes me happy.”
Muusiga noocee ah ayaad ka heshaa?
What sort of music do you like?