Carlos wuxuu raacay mooto. Si degdeg ah ayuu u kaxeenayaa.
Carlos rides a scooter. He rides fast.
Waddadu biyo ayay leedahay. Waddada waa lagu simbiriirixanayaa.
There is water on the road. The road is slippery.
Waxa faraha ka baxay xakamaynta mootada kadibna waa uu ka dhacay.
He loses control of the scooter and falls off.
Carlos si xun ayuu u dhaawacmay.
Carlos is badly hurt.
Gabadh ayaa ugu wacday Ambalaas. “Shil baa dhacay, si degdeg ah u kaalaya!”
A woman calls for an ambulance. “There has been an accident. Come quickly!”
Ambalaastii si degdeg ah ayay u soo gaadhay.
The ambulance comes very quickly.
Laba nin ayaa Carlos saaray bareelaha.
Two men put Carlos on a stretcher.
Waxay Carlos ku qaadeen Ambalaaska.
They lift Carlos into the ambulance.
Ambalaasta ayaa u kaxaysay isbitaalka.
The ambulance drives to the hospital.
Kalkaaliye ayaa Carlos geeyey isbitaalka.
A nurse takes Carlos into the hospital.
Carlos lugta aad ayay u xanuunaysaa, wuuna ka walwalsan yahay.
Carlos’s leg hurts a lot, and he is worried.
Laba dhakhtar ayaa lugtiisa qaliin ku sameeyey.
Two doctors operate on his leg.
Waalidkiis ayaa soo booqday. Waxayna waydiiyeen sidee ayuu shilku u dhacay.
His parents visit him. They ask him how the accident happened.
Waxay u kaxeeyeen guriga. Carlos waxa uu isticmaalayey biraha lagu socdo.
They drive him home. Carlos is using crutches.