Tom iliga ayaa xanuunaya. Iligkiisu aad buu u xanuunayaa.
Tom har tandvärk. Hans tand gör väldigt ont.
Wuxuu u baahan yahay inuu arko dhakhtarka ilkaha, laakiin marka hore wuxuu u baahan yahay daawo xanuun baabi’iye ah.
Han behöver träffa sin tandläkare, men först behöver han någonting mot smärtan.
Wuxuu u socdaa farmaysiga ugu dhow.
Han kör till det närmsta apoteket.
“Iliga ayaa ixanuunaya,” ayuu yidhi. “Wax ma u haysaan taas?”
“Jag har tandvärk” säger han. “Har du något för det?”
“Haa, waa kuwan qaar ka mid ah xanuun baabi’iyaha. Uma baahnid warqad dhakhtar kuu qoray.”
“Ja, här är några smärtstillande. Du behöver inte recept för dessa.”
“Mahadsanid, imisa ayay isku noqonayaan?”
“Tack. Hur mycket kostar de?”
“Waxay isku noqonayaan sagaal euro, laakiin waa inaad aragto dhakhtarka ilkaha.”
“De kostar nio euro. Men du borde träffa en tandläkare.”
“Hagaag, waxaan wici doonaa dhakhtarkayga ilkaha berri subax.”
“Okej, jag ska ringa min tandlärare i morgon bitti.”
“Haddii aad u baahan tahay daawo ka xoog badan, waxaad u baahan doontaa inaad ka hesho warqad dhakhtar ilkeed ama dhakhtarkaaga.”
“Om du behöver starkare medicin så behöver du få ett recept från din läkare.”
“Mahadsanid! Nabadgelyo.”
“Tack! Hej då.”