Magacaygu waa Agostino, waxaan ahay 51 jir. Shaqadaydu waa in aan cuntada ku geeyo baaskiil. Waxaan leeyahay laba gabdhood, laakiin badanaa ma wada hadalno. Sababtoo ah Aniga iyo hooyadood hadda ma wada noolin oo waanu kala tagnay.
Waxaan la noolahay hooyaday, maadaama aanan awoodin inaan bixiyo kirada furiinka ka dib. Kiradu aad bay qaali ugu tahay magaaladan.
Dhawr bilood ka hor waxaan ka shaqaynaayey goob shirkad ah sidii shaqaale waardiye ah. Waxaan dib u hagaajiyay waxyaalihii jabay, waxaan u qaadaayey sanduuqyo, oo caawinayay marka qof kastaa u baahdo caawinaad. Maalin maalmaha ka mid ah shirkadii ayaa shaqada iga eriday. Maan fahmin sababta.
Waxaan arkay dad badan oo cunto ku keenaya baaskiil. Anna waan kaxayn karaa baaskiilka, marka waxaan garaacay albaabka shirkad weyn oo alaabaha qaada. Waxay ii soo bandhigeen saddex Euro oo halkii mar ee alaab gayn ah. Waxaan sameeyaa 40 € maalintii, 60 € haddii aan aad u nasiib badanahay oo macaamiishu igu tilmaamaan.
Ma helo fasaxa wax lacag ah, ma jiro mushahar markaan xanuunsado, wax xuquuq ah oo dhan ma haysto. Uma maleynayo inay taasi sax tahay, balse waxaan u baahanahay shaqada. Inta badan shaqaalaha kale waa muhaajiriin ka kala yimid adduunka oo dhan.
Kadib, markii nin 25 jir ah oo gaarsiiye ahaa uu gaadhi ku dhuftay oo uu dhintay. Maamulka ayaa bilaabay inay na ogaadaan markaa. Waase ceeb inay na ogaadaan marka uu dhintay, waxay ahayd ka hor inta aanay dhicin.
Si wada jir ah oo ay weheliyaan dad kale oo gaarsiiyayaal ah oo ka socda shirkado kale, waxaan koorso ku saabsan xuquuqda shaqaalaha ka qaatay urur maxalli ah. Waxay noo soo bandhigeen la talin sharci oo bilaash ah. Waxaannu u halgamnay sidii aan aqoonsi iyo xuquuq badan u heli lahayn.
Wakhti dheer kadib dedaalkayagii oo dhan waa noo hirgalay. Mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee keenista alaabada ayaa ku qasbanaaday inay bixiso ganaax aad u weyn oo ay siiso shaqaalaha shaqooyin joogto ah. Waxay ahayd markii ugu horeysay ee ay ka dhacda meel kasta oo adduunka ah. Waxay u egtahay in arrimuhu ay bilaabmeen inay horumaraan.