Waxaan u maleeynaye in ragga Norwiijiga ay yihiin ragga ugu fiican adduunka, balse taasi run maaha! Kahor intaanan la kulmin ninka noqday ninkayga, waxaan ka shaqeeynaye Warshad ku taal Bangkok, wuxuu ku noolaa Pattaya. Waxaan ku kulanay internetka oo aan ugu dambeyntii noqonnay lamaane.
Muddo ka dib waxa aanu go’aansanay in aannu is guursano. Waxaan ka soo jeedaa qoys sabool ah, markaa in aan haysto nin ajnabi ah oo daryeeli kara qoyskayga waxay qayb ka ahayd sababta aan u guursaday.
Waxaan u soo guurnay Norway, waxaanan bilaabay in aan aado iskool si aan u barto Norwejiga. Waxay ahayd waqti adag. Maan haysan shatiga darawalnimada, ninkaygu waxa uu ku qasbanaaday in uu ii kaxeeyo iskoolka, isugo, dibna isoo celiyo. Waxay ahayd meel saacad noo jirta. Muddo ka dib waanu isku soo dhawaanay, laakiin wuxuu weli ku adkaystay inuu iskoolka ii wado. Ma uu rabin in aan keligay socdo.
Wax lacag ah ma helin tan iyo markii aan Norway imid. Mar ninkeygu wuxuu i siiyay lacag aan ku qadeeyo, laakiin maadaama aan haysto lacag aad u yar, waan xafiday. Saaxiibadayda iskoolka waxay rabaan inay i caawiyaan si aan shaqo u helo, laakiin ninkeyga wuxuu leeyahay ma awoodi karo. Uma maleynayo aan ka shaqada nadiifinta aysan igu habbooneen aniga.
Taa beddelkeeda shaqo kale ayuu ii qabtay – oo ah dhisitaanka geerashka. Waxa uu ahaa masuulka anigana wax walbana waan sameenayey. Wax badan ma uu qaban karin sababtoo ah wuu xanuunsanaa. Lacagtii uu ku dhisay geerashka waxba igamuusan siin.
Maalin ayuu yiri waan ku caajisaa markuu guriga keligiis joogo, markaas ayuu go’aansaday inaan ey keensano. Ma rabin eey maadaama aan daalanahay iskoolkaa ka dib, waxaanan lahaa casharo la iga rabo inaan kaga shaqeeyo guriga. Waxa uu sheegay in uu socodsiin doono eeyga maalin kasta, laakiin ugu dambeyntii waa in aan daryeelo labadaba eeyga iyo ninkeyga odayga ah.
Ma garanayo waxa mustaqbalka noqon doono. Qorshahaygu waa inaan iskool kale aado, laakiin ninkaygu ma rabo inaan taas sameeyo. Waxa uu qorshaynayaa inuu iga sii fogaayo si uu iigu adkeeyo. Waxaan rabaa inaan iska celiyo, laakiin ma garanayo sida. Ma fududa in dal shisheeye kula noolaado nin oday ah sidii ninkayga oo kale sida aan moodayay inay noqon doonto.