Edson waxa uu ku dhashay Angola, wax yar uun ka dib markii uu dalku xornimada qaatay. Wuxuu ahaa wiil aad u dheer. Dhererkiisa awgeed ayuu kuwa kale kaga duwanaa. Dadkii hubka siin jiray carruurta si ay ugu dagaalamaan askar ahaan dagaaladii sokeeye waxay doonayeen wiilal isagoo kale ah.
Edson nasceu em Angola, logo após o país se ter tornado independente. Era um rapaz muito alto. Por causa da sua altura, destacava-se. As pessoas que davam armas a crianças, para lutarem como soldados na guerra civil, queriam rapazes como ele.
Hooyadii waxay ka cabsatay inay kaxaystaan, markaas ayay go’aansatay inay u dirto inuu kula noolaado Portugal habaryartii. Waxay u malaynaysay inuu halkaas ku nabadgeli doono.
A sua mãe teve medo que o levassem, por isso decidiu enviá-lo para viver em Portugal com uma tia. Ela pensou que ele estaria a salvo lá.
Aad bay u adkeyd bilaawgii horre, maadaama Edson uu uxiisay cimilada diiran, cunta dhaqameedka iyo, ugu badnaan, laabta iyo dhunkashada hooyadiis.
No início foi muito difícil, pois Edson sentiu falta do tempo quente, da comida tradicional e, acima de tudo, dos abraços e beijos da sua mãe.
Si fiican ugumuu hadli karin luuqada Boortaqiiska, aad ayayna ugu adkeyd inuu la socdo fasaladiisa iyo la sheekeysiga saaxiibadiis. Waxa uu iswaydiin jiray in ay eheed fikrad wanaagsan in uu yimaado Portugal.
Ele não falava bem português e tinha muita dificuldade em acompanhar as aulas e as conversas dos seus colegas de turma. Questionava-se se, afinal, teria sido uma boa ideia ter vindo para Portugal.
Maalin maalmaha ka mid ah macalin ayaa ogaaday sida uu ugu fiican yahay kubbadda gacanta. Waxa uu ku biiray koox kubadda gacanta ah oo uu aad ugu guulaystay. Waxa uu caan ka noqday iskoolka oo uu yeeshay saaxiibo. Wuxuu kaloo noqday qof kalsooni badan.
Um dia, um professor reparou como ele jogava bem basquetebol. Entrou para uma equipa e teve muito sucesso. Tornou-se popular na escola e fez amigos. Também se tornou mais confiante.
Hadda oo uu qaan-gaaray, Edson wuxuu tababaraa carruurta qaxootiga ah iyo kuwa kale ee laga takooro bulshada. Mar, dhererkiisu waxa uu halis galiyay in uu caruur askar noqdo. Hadda, dhererkiisu wuxuu siinayaa awood uu dadka kale ku caawiyo inay dareemaan ammaan.
Agora que é adulto, Edson treina crianças refugiadas e outras que estão em risco de exclusão. Outrora, a sua altura colocou-o em risco de se tornar uma criança-soldado. Agora, dá-lhe força para ajudar os outros a sentirem-se seguros.