Magacaygu waa Malik, oo waxaan ahay 39 jir. Waxaanna ku dhashay Afghanistan. Diintaydu way ka duwan tahay diinta ugu weyn ee Afghanistan.
Sannado badan, dadka diintayda haysta waa la silciyey. Tani aad bay ugu adkayd qoyskayga.
Dhowr sanno ka hor waxaa dhacay dagaal. Waxaanna ka baqay in la i dilo. Waxaan ka soo tagay qoyskeyga si aan u aado Yurub oo aan u bilaabo nolol cusub.
Waxaan u soo lugeeyay kilomitiro badan. Mararka qaarkood cunto ma haysan iyo meel aan dego. Qaar ka mid ah dadkii aan la soo safray way dhinteen.
Ugu dambayntii waan imid. Waxaan la kulmay dad ka yimid waddankeyga oo i caawiyay. Ma garanayo waxa aan samayn lahaa la’aantood.
Waxaan bilaabay inaan luuqadda barto, laakiin way igu adkayd. Waxaan ogaa in ku hadalka luqadda ay muhiim u tahay in la helo shaqo.
Waxaan baranaayey dhowr sanno, markii ugu horeysay si aan u barto luqadda. Way adkeed, laakiin waxaan ka helaa barashada waxyaabaha cusub.
Waxbarashada ka dib waxaan bilaabay shaqo. Markii hore waxaan ka shaqeeyay makhaayad, ka dibna waxaan noqday macalin sababtoo ah waxaan rabaa inaan caawiyo dadka kale.
Waxaan rajeynayaa inaan maalin ku laabto Afghanistan. Dad badan oo halkaas jooga ayaa u baahan caawimo, waxaana rabaa inaan caawiyo.