Voltar à lista de histórias

Um homem, uma mulher e um rapaz a passear num aeroporto.

Imaanshaha Norway Chegar à Noruega

Escrita por Aamiina

Ilustrada por Julie Cornelia van Walsum

Traduzida por Mohamed Abdirashid

Lida por Mohamed Iman Mohamed

Língua somali

Nível Nível 5

Narrar a história completa

Velocidade de leitura

História em reprodução automática


Um homem, uma mulher e um rapaz a passear num aeroporto.

Aniga iyo labadayda walaalo waxaan nimid Norway December 2016. Waxaan xirnayn dharka xagaaga, sababtoo ah waxaan u maleynaynay inay kulushahay Norway sida Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, markii aan nimid garoonka diyaaradaha, waxaa jiray baraf. Waxaana jiray qabow, cimiladuna waa qabowbaayeen. In kasta oo aannu dhawr boorsooyin wadane, haddana waxaan wadane oo keliya dharka xagaaga.

Os meus dois irmãos e eu chegámos à Noruega em dezembro de 2016. Estávamos a usar roupas de verão porque pensávamos que estaria tão quente na Noruega como na Somália. Contudo, quando chegámos ao aeroporto, estava a nevar. Tínhamos frio e o tempo estava gelado. Apesar de termos trazido algumas malas, só tínhamos roupas de verão lá dentro.


Uma mulher a abraçar crianças.

Inkasta oo ay qabow ahayd, aad ayaan ugu farxay markaan Norway nimid. Waxaan ugu dambeyntii la kulmi lahaa hooyaday, oo aanan arag muddo lix sano ah. Hooyaday iyo laba saaxiibbadeed ayaa nala kulmay. Markaan aragnay iyadii ayaannu farxad la ooynay. Waxaan u sii raacnay magaalada yar ee ay hooyo ku nooshahay.

Apesar de estar frio, eu fiquei muito feliz quando cheguei à Noruega. Finalmente iria reencontrar a minha mamã, que não via há seis anos. A minha mamã e dois dos seus amigos foram ter connosco. Quando a vimos, chorámos de alegria. Fomos de carro até à pequena cidade onde a minha mamã vive.


Um homem, uma mulher e um rapaz a comprar roupa.

Maalmihii ugu horreeyay ee magaalada hooyo waxay ahaayeen kuwo la yaab leh. Qabow iyo baraf baa da’ay oo wax badan ma jirin. Waddooyinka ayaa gabi ahaanba faaruq ahaa. Dadka yar ee aan la kulmay waxay u muuqdeen kuwo aamusan oo aan wax saaxiibtinimo lahayn. Soomaaliya waxaa jiray dad meel walba jooga, sidaa darteed wax walba waxa ay dareemayeen si nooc kale ah halkan. Hooyaday iyo saaxiibadeed waxay na siiyeen xoogaa hadiyado ah, ka dibna waxay noo kaxaysay si aan u soo iibsanno dharka qabowga.

Os primeiros dias na cidade da mamã foram muito estranhos. Estava frio e a nevar e não havia muito para ver. As ruas estavam completamente vazias. As poucas pessoas que conheci pareciam frias e pouco amigáveis. Na Somália havia pessoas em todo o lado, por isso tudo aqui parecia estranho. A minha mamã e os seus amigos deram-nos alguns presentes e depois ela levou-nos a comprar roupas de inverno.


Três mulheres sentadas em secretárias.

Fasaxa kirismaska ka dib waxaan ku biiray koorsada norwejiga ee xarunta waxbarashada dadka waaweyn. Waxaan halkaas ku bartay laba sano ka hor intaanan bilaabin iskool caadi ah. Hadda waxaan ku jiraa sannadkii ugu dambeeyay, waxaanan yeeshay saaxiibo badan oo cusub. Waxaan ah qof bulsho ah oo waxaan ka helaa la kulanka dadka kale.

Depois das férias de Natal, participei num curso de norueguês no centro de educação para adultos. Estudei lá durante dois anos antes de começar numa escola normal. Agora estou no meu último ano e fiz muitos amigos novos. Sou muito sociável e gosto de conhecer outras pessoas.


Uma mulher a utilizar uma máquina de costura.

Iskoolka ka dib waxaan aadaa xarun ay maamulaan dad iskaa wax u qabso ah halkaas oo aan ka helo caawinta shaqada gurigayga. Waxaan sidoo kale ku biiray koorsada harqaanka ee xarunta.

Depois das aulas vou a um centro dirigido por voluntários onde me ajudam com os meus trabalhos de casa. Também participei num curso de costura no centro.


Uma mulher a estudar numa biblioteca.

Soomaaliya waligey iskool ma dhigan mana dhigan kooraso aan ka ahayn dugsi quraan. Ma aqaanin sida wax loo akhriyo ama loo qoro. Hadda waxaan bartay sida loo qoro af-soomaali iyo af-noorwiiji, iyo maadooyin kale oo badan. Waxbarasho la’aanteed waxaan dareemay inaan qofna ahayn. Hadda waxaan dareemayaa qof aqoon iyo farxad leh.

Na Somália, nunca fui à escola nem fiz nenhum curso, exceto a Escola do Alcorão. Não sabia ler nem escrever. Agora aprendi a escrever tanto em somali, como em norueguês, e muitas outras disciplinas. Sem estudos, sentia que não era ninguém. Agora sinto-me uma pessoa com conhecimento e feliz.


Uma mulher a ler com um rapaz e uma rapariga.

Sannadka soo socda waxaan bilaabi doonaa iskoolka sare ee qaybta caafimaadka iyo horumarinta dhalinyarada. Mustaqbalka waxaan rabaa inaan noqdo shaqaale dhalinyaro ah. Markaan dhammeeyo waxbarashada, riyadeydu waa inaan helo shaqo joogto ah. Waxa kale oo aan rabaa in aan barto darawalnimada oo aan helo shatiga darawalnimada.

No próximo ano, vou começar o ensino secundário na área de saúde e desenvolvimento de jovens. No futuro, quero tornar-me uma profissional que trabalha com jovens. Quando terminar a minha formação, o meu sonho é conseguir um emprego permanente. Também quero aprender a conduzir e tirar a carta de condução.


Uma mulher numa biblioteca a pensar numa família.

Haddaan Soomaaliya joogi lahaa, waxaan filayaa inaan hadda hooyo ahaan lahaa. Laga yaaba in aan hore u yeelan lahaa carruur badan. Haddii aan Soomaaliya joogi lahaa, ma helin fursadaha aan hadda haysto. Waxaan dareemayaa inaan nasiib leeyahay in aan ku noolaado Norway.

Se eu tivesse ficado na Somália, penso que já teria sido mãe. Talvez já tivesse tido muitos filhos. Se eu tivesse ficado na Somália, não teria tido as mesmas oportunidades que tenho tido agora. Sinto-me sortuda por viver na Noruega.


Escrita por: Aamiina
Ilustrada por: Julie Cornelia van Walsum
Traduzida por: Mohamed Abdirashid
Lida por: Mohamed Iman Mohamed
Língua: somali
Nível: Nível 5
Licença Pública/creative Commons
Este trabalho está licenciado sob a licença Creative Commons/Licenças Públicas Atribuição 4.0 Licença Internacional.
Opções
Voltar à lista de histórias Descarregar PDF