ダウンロード(PDF)
物語のリストに戻る

Codka shimbiraha subaxdii 朝の鳥のさえずり

作者 LIDA Portugal

絵 Vilius Aistis Vilimas

翻訳 Mohamed Abdirashid

朗読 Mohamed Iman Mohamed

言語 ソマリア語

レベル レベル 5

物語全体の朗読

読書速度

物語の自動再生


Yulia, ninkeeda iyo gabadhooda yar waxay ku noolaayeen tuulo yar oo xasilloon oo ku taal Ukraine. Yulia waxay aad u jeclayd in subax walba kusoo kacdo dhawaaqa shimbiraha. Marna uma malaynayn inay guri ka fog degi doonto, ama aanay ku toosi doonin dhawaqa shimbiraha subaxdii.

ユリアは夫と幼い娘と一緒にウクライナの小さくて静かな村で暮らしていました。彼女は毎朝、鳥のさえずりと共に目覚めるのが大好きでした。故郷を遠く離れて暮らし、朝は鳥の声で目を覚ますこともなくなってしまうなんて全く考えもしていませんでした。


Ninkeeda ayaa had iyo jeer ka caban jiray in aanu lacag ku filan haysanin, wuxuuna bilaabay inuu si aad ah u cabbo khamriga. Waxay go’aansadeen inay nasiibkooda ku tijaabiyaan Portugal. Waxaa laga yaabaa in ay halkaas ka heli karaan lacag badan si ay guri u dhistaan oo ay mustaqbal wanaagsan ugu sameeyaan qoyskooda.

彼女の夫はいつもお金がないと愚痴ばかりこぼして酒浸りになっていきました。夫婦はポルトガルで一旗揚げようと決心しました。そこでもっとお金を稼いで家を建て、いっそう幸せな家族の未来を築けるかもしれないと考えたのです。


Yulia waxay si fiican ula qabsatay gurigeeda cusub, waxayna bilowday inay ka shaqeyso sidii nadiifiye. Macaamiisheeda ayaa runtii aad uga mahadceliyey dadaalkeeda iyo hab-dhaqankeeda wanaagsan. Dhanka kale ninkeeda waxa uu dareemay in laga tagayo. Dhibaatada khamriga awgeed, loo-shaqeeyayaashu ma aaminaan isaga mana siin doonaan shaqo.

ユリアは新しい生活にすぐ慣れて、清掃作業員として働き始めました。働き者で礼儀正しい彼女は、お客さんの評判も上々でした。一方、夫は、ますます疎外感を深めていきました。酒癖が悪いために雇い主は彼を信用せず、仕事を与えようとしませんでした。


Maalin maalmaha ka mid ah ayuu bilaabay inuu ku qayliyo Yulia. Dabadeed, wuxuu bilaabay inuu riixo. Qayladii iyo garaacii baa ka sii daray, siiba markuu sakhraansanaa. Yulia waxay u baqday nafteeda iyo gabadheeda, laakiin ma aysan garanayn waxay samayn karto.

ある日、夫はユリアに怒鳴り声を上げて、突き飛ばそうとしました。お酒が入るとさらに怒号や暴力はひどくなっていきました。彼女は娘や自分がこの先どうなるのか不安でした。でも自分に何ができるのかもわかりませんでした。


Markii Yulia ugu dambeyntii ay tagtay qolka gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka iyada oo gacan ka jaban, waxay u sheegeen in rabshadaha qoysku ay dhibaato weyn ku tahay Portugal. Waxa kale oo ay sheegeen in arrintaasi ay tahay dambi, isla markaana ay tahay inay Booliska wargeliso.

とうとうユリアは片腕を骨折して病院の救急処置室に行く羽目になりました。その時、救急医は彼女に家庭内暴力がポルトガルで大きな問題になっていると伝えました。さらにそれは犯罪だから、警察に届け出た方が良いと言いました。


Yulia waa ay ku daashay oo ma aysan dooneyn in gabadheeda yar ay ku korto guri ay maalin kasta goobjoog u ahayd rabshad. Yulia waxay ogaatay in calaamadaha xadgudubka ay horay u jireen, xitaa haddii ay qaadatay qaabab badan oo kala duwan.

ユリアは疲れ切っていましたが、日常的に暴力を目のあたりにするような家で、幼い娘が育って欲しくはありませんでした。暴力の形は変わっても、その兆しは常にあったのだと彼女は気づきました。


Yulia waxay tagtay hoyga haweenka, halkaas oo ay dareentay in ay ka heshay ammaan ka badan intii ay haysatay muddo dheer. Taasi may dareemin tan iyo markii ay subaxdii ku toosi jirtay codka shimbiraha.

ユリアは女性のためのシェルター(避難場所)に行きました。そこで彼女はやっと心の平安を得ました。それは、彼女が朝、鳥のさえずりで目を覚ます生活をなくして以来、初めてのことでした。


作者: LIDA Portugal
絵: Vilius Aistis Vilimas
翻訳: Mohamed Abdirashid
朗読: Mohamed Iman Mohamed
言語: ソマリア語
レベル: レベル 5
クリエイティブ・コモンズのライセンス
この作品はクリエイティブ・コモンズ クリエイティブ・コモンズ 表示 4.0 非移植 ライセンスの下に提供されています。
オプション
物語のリストに戻る ダウンロード(PDF)