ダウンロード(PDF)
物語のリストに戻る

Sheekada Agostino アゴスティノの話

作者 LIDA Italia

絵 Billie Cejka Risnes

翻訳 Mohamed Abdirashid

朗読 Mohamed Iman Mohamed

言語 ソマリア語

レベル レベル 5

物語全体の朗読

読書速度

物語の自動再生


Magacaygu waa Agostino, waxaan ahay 51 jir. Shaqadaydu waa in aan cuntada ku geeyo baaskiil. Waxaan leeyahay laba gabdhood, laakiin badanaa ma wada hadalno. Sababtoo ah Aniga iyo hooyadood hadda ma wada noolin oo waanu kala tagnay.

私の名前はアゴスティノ、51歳です。仕事は自転車で食べ物を配達することです。娘が二人いるけれど、話すことはめったにありません。娘たちの母親と私は離婚したからもう一緒に住んでいません。


Waxaan la noolahay hooyaday, maadaama aanan awoodin inaan bixiyo kirada furiinka ka dib. Kiradu aad bay qaali ugu tahay magaaladan.

離婚後、家賃を払う余裕がなくなったので、私は自分の母親と一緒に住んでいます。この市の家賃はとても高いです。


Dhawr bilood ka hor waxaan ka shaqaynaayey goob shirkad ah sidii shaqaale waardiye ah. Waxaan dib u hagaajiyay waxyaalihii jabay, waxaan u qaadaayey sanduuqyo, oo caawinayay marka qof kastaa u baahdo caawinaad. Maalin maalmaha ka mid ah shirkadii ayaa shaqada iga eriday. Maan fahmin sababta.

数ヶ月前、私は会社で管理人として働いていました。こわれた物を修理する、箱を運ぶ、そしてだれかが必要な時は手伝っていました。ある日会社は私を首にしました。なぜなのか分かりませんでした。


Waxaan arkay dad badan oo cunto ku keenaya baaskiil. Anna waan kaxayn karaa baaskiilka, marka waxaan garaacay albaabka shirkad weyn oo alaabaha qaada. Waxay ii soo bandhigeen saddex Euro oo halkii mar ee alaab gayn ah. Waxaan sameeyaa 40 € maalintii, 60 € haddii aan aad u nasiib badanahay oo macaamiishu igu tilmaamaan.

自転車で食べ物を配達する人をたくさん見かけました。私は自転車に乗れるので大きい配達会社を訪ねました。会社は配達1件につき3ユーロを提案しました。1日あたり40ユーロ、運が良くてお客がチップをくれたら、60ユーロかせげます。


Ma helo fasaxa wax lacag ah, ma jiro mushahar markaan xanuunsado, wax xuquuq ah oo dhan ma haysto. Uma maleynayo inay taasi sax tahay, balse waxaan u baahanahay shaqada. Inta badan shaqaalaha kale waa muhaajiriin ka kala yimid adduunka oo dhan.

有給休暇なし、病気やケガでも手当なし、何の権利も全くありません。それが正しいとは思いません、でも、私には仕事が要るんです。他のほとんどの従業員は世界中からの移民です。


Kadib, markii nin 25 jir ah oo gaarsiiye ahaa uu gaadhi ku dhuftay oo uu dhintay. Maamulka ayaa bilaabay inay na ogaadaan markaa. Waase ceeb inay na ogaadaan marka uu dhintay, waxay ahayd ka hor inta aanay dhicin.

多くの配達員は事故で毎日ケガをしています。それで25歳の配達員が車にはねられて死んだ時、政府は私たちに目を向け始めました。そうなる前に彼が死ななければならなかったのはとても残念です。


Si wada jir ah oo ay weheliyaan dad kale oo gaarsiiyayaal ah oo ka socda shirkado kale, waxaan koorso ku saabsan xuquuqda shaqaalaha ka qaatay urur maxalli ah. Waxay noo soo bandhigeen la talin sharci oo bilaash ah. Waxaannu u halgamnay sidii aan aqoonsi iyo xuquuq badan u heli lahayn.

他の会社の配達員と一緒に私は地元の労働組合で従業員の権利に関する講座を受講しました。そこでは無料で法的なアドバイスをしてくれました。もっと社会が私たちを認め、働く権利を得られるように私たちは活動しました。


Wakhti dheer kadib dedaalkayagii oo dhan waa noo hirgalay. Mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee keenista alaabada ayaa ku qasbanaaday inay bixiso ganaax aad u weyn oo ay siiso shaqaalaha shaqooyin joogto ah. Waxay ahayd markii ugu horeysay ee ay ka dhacda meel kasta oo adduunka ah. Waxay u egtahay in arrimuhu ay bilaabmeen inay horumaraan.

長い時間が経って、私たちの全ての努力は報われました。ある大きな配達会社が多額の罰金を支払い、従業員に定職をあたえなければなりませんでした。これは世界中で初めての出来事でした。状況が改善し始めているようです。


作者: LIDA Italia
絵: Billie Cejka Risnes
翻訳: Mohamed Abdirashid
朗読: Mohamed Iman Mohamed
言語: ソマリア語
レベル: レベル 5
クリエイティブ・コモンズのライセンス
この作品はクリエイティブ・コモンズ クリエイティブ・コモンズ 表示 4.0 非移植 ライセンスの下に提供されています。
オプション
物語のリストに戻る ダウンロード(PDF)