Edson waxa uu ku dhashay Angola, wax yar uun ka dib markii uu dalkoodu xornimada qaatay. Wuxuu ahaa wiil aad u dheer. Dhererkiisa awgeed ayuu kuwa kale kaga duwanaa. Dadkii hubka siin jiray carruurta si ay ugu dagaalamaan askar ahaan dagaaladii sokeeye waxay doonayeen wiilal isagoo kale ah.
エドソンは独立直後のアンゴラで生まれました。彼はとても背が高く、そのせいで目立っていました。そして彼のような男の子たちは、内戦で武器を持って戦う兵士として選ばれやすかったのです。
Hooyadii waxay ka cabsatay inay kaxaystaan, markaas ayay go’aansatay inay u dirto inuu kula noolaado habaryartii Portugal. Waxay u malaynaysay inuu halkaas ku nabadgeli doono.
エドソンのお母さんは彼が兵士に選ばれることを恐れ、おばさんの住んでいるポルトガルに彼を移住させることにしました。彼がそこで安全に生活できると考えたのです。
Aad bay u adkeyd bilaawgii horre, maadaama Edson uu u xiisay cimilada diiran, cunta dhaqameedka iyo ugu badnaan, laabta gelintii iyo dhunkashada hooyadiis.
エドソンはふるさとの暖かな気候や伝統料理、そして何よりお母さんのハグとキスが恋しく、始めはとても苦労しました。
Si fiican ugumuu hadli karin luuqada Boortaqiiska, aad ayeyna ugu adkeyd inuu la socdo fasaladiisa iyo la sheekeysiga saaxiibadiis. Waxa uu iswaydiin jiray in ay tahay fikrad wanaagsan in uu yimaado Portugal.
彼はポルトガル語がうまく話せなかったので、授業についていくことや、クラスメイトと話すことがとても困難でした。ポルトガルに来たことが正しかったのか悩みました。
Maalin maalmaha ka mid ah macalin ayaa ogaaday sida uu ugu fiican yahay kubbadda gacanta. Waxa uu ku biiray koox kubadda gacanta ah oo uu aad ugu guulaystay. Waxa uu caan ka noqday iskoolka oo uu yeeshay saaxiibo. Wuxuu kaloo noqday qof kalsooni badan.
ある日、先生はエドソンがバスケットボールが得意なことに気が付きました。チームに入ったところ、それが大成功だったのです。彼は学校で人気者になり、友達ができました。そして自信を持つこともできました。
Hadda oo uu qaan-gaaray, Edson wuxuu tababaraa carruurta qaxootiga ah iyo kuwa kale ee laga takooro bulshada. Mar, dhererkiisu waxa uu halis galiyay in uu carruurta la askaraynayo noqdo. Hadda, dhererkiisu wuxuu siinayaa awood uu dadka kale ku caawiyo inay dareemaan ammaan.
今、エドソンは大人になり、難民の子どもたちや社会から排除されそうな人たちを指導しています。かつて彼を少年兵にしかけた彼の身長は、今では人々に安心を与える強みになっています。